Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Saturday, Nov 4, 2023 | 115 views

Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la fashiliyay qarax Ismiidaamin ahaa oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo Xalay ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ruuxa is qarxiyay uu doonayay inuu ka gudbo bar koontarool oo ay ciidanka amaanka ku leeyihiin Isgoyska Sayidka.

“Caawa fiidkii 3/10/2023, abaare 8:45 Fiidnimo, ayaa waxaa qof lab ah oo naftii-halige ahi isku qarxiyay barta hubinta gaadiidka ee Baar-bulsho waxaana ku dhawacmay 1-askari oo Boliis ah.  Askariga oo feejignaa ayaa markuu ka shakiyay, ku amray inuu istaago. Balse, naftii-haligaha ayaa ka maxad adegay, askariga ayaa u istiicmaalay awooda uu sharcigu u jideeyay, sidaas ayuuna ku qarxay” ayaa lagu yiro warka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa Xalay jugtiisa waxaa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan halka uu ka dhacay qaraxa iney ka mid tahay meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response