Taliyaha NISA Oo Ka Hadlay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka faraha badan.

by admin | Sunday, Apr 28, 2024 | 19 views

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa walaac ka muujiyay dagaal beeleedyada iyo isbaarooyinka faraha badan, isagoo ku nuux-nuux saday in si deg deg ah loogu baahan yahay nabadda iyo midnimada beelaha.

Taliyaha ayaa soo hadal qaaday xaaladda murugsan ee dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday xuduudka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ku tilmaamay colaadaha u dhaxeeya dadka walaalaha ah ee wada dega deegaanadaas. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in shaqsi ama mas’uul Soomaaliyeed aan loo heyn mas’uul ka ah dhacdooyinkan nasiib darrada ah, isagoo u sababeynaya caqabadaha ballaaran ee bulshada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Taliye Sanbaloolshe ka sheegay fariin mideysan, wuxuuna yiri “Waxaan leenahay hal cadow”. Waxa uu ku booriyay waxgaradka ka soo jeeda beelaha dirirtu dhexmartay in ay iska kaashadaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa, isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah si loo helo wada-jir.

Arrinta isbaarooyinka ayuu agaasimuhu gudbiyay mowqifka dowladda federaalka, isagoo caddeeyay in ay si adag u diiddan tahay in la sii wado isbaarooyinka yaalay deegaannada maamulka Hirshabeelle. Waxa uu sheegay in Isbaarooyinkaasi oo u badan kuwo ku yaala Gobolo gaar ah aan loo adeegsan wax qeybsiga Qabaa’ilka.

“Waxaan rabaa inay fahmaan in isbaarooyinka qabaa’ilka aan la aqbali karin.” Taliye Sanbaloolshe ayaa ku nuux nuuxsaday.

Hadalkaan ayuu Taliyaha ka jeediyay kulan dib u heshiisiineed oo lagu xalinayay colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ku yaala xuduudka sida Moqokori iyo Aadan Yabaal, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Nuur Shuute iyo horjoogaha ciidamada Mawisley Cali Jayte Cismaan.

Munaasabadda ayaa noqotay gogol wada-hadal iyo wada-shaqeyn, iyadoo dib loo xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan sababaha asaasiga ah ee colaadaha iyo horumarinta hindisaha nabad-dhisidda ee dalka oo dhan.

Like it? Share it!

Leave A Response