Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in ka badan 80 Alshabaab ah in lagu qaarajiyay dagaallo 48 saac ee ugu dambeeyay ka dhacay degaannada Caad iyo Baraag Sheikh Ismaaciil oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Taliyaha ciidanka lugta oo saakay la hadlayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in...

Guddiga Arrimaha Dibadda, iskaashiga Caalamiga,Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Aqalka Sare oo gudnaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, ayaa xafiiskooda ugu yeeray masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradaas Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan...

Taliska guud ee nabad galyada waddooyinka Puntland, ayaa sheegay in 54 qof ay ku geeriyoodeen, 800 qof ay ku dhaawacmeen shilalkii gaadiid ee ka dhacay degaanada Puntland sanadkan sii idlaanaya ee 2023. Taliyaha nabad galyada waddoyinka Puntland, G/sare Fataax Siciid Sulayman (Afrikaan), ayaa sheegay tirada shilalka la diiwaan galiyay inay yihiin 17,011 shil, kuwaas...

Ciidamada Hindiya ayaa lagu eedeyay in ay dad rayid ah ku dileen gobolka lagu muransan yahay Kashmiir. Shacab badan oo carreysan ayaa isu soo baxay, iyaga oo muujiyey sida ay u diidan yihiin dilka saddexda qof. Sida laga soo xigtay qoysaska, saddexda nin ee la dilay ayaa lagu kala magacaba Mohammad Showkat, 22, Safeer Hussain, 45, iyo Shabir Ahmad, 32. Ka hor dilkooda...

Taliska Ciidanka Dhulka ayaa ka hadlay dagaal xooggan oo  shalay ka dhacay deegaanka Caad, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha AL-Shabaab. Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan AL-Shabaab islamarkaana...

Qoysas caruur iyo haween u badan oo muddo laba maalin ah ku go’doonsanaa fatahaad saameysay degaano hoos taga degmada Jamaame ayey ciidamada Jubaland soo badbaadiyeen. Xubno isugu jira Xildhibaano heer Federaal ah, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, siyaasiyiin, Lataliyaal sare aqoonyahano iyo masuuliyiin kale ayaa socdaal ku tagay degaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose...

Goobaha ka caaggan in colaaduhu saameeyaan sida Isbitaallada, Xeryaha Qaxootiga & Guryaha Rayidka ayay Ciidamada Israaiil waxa ay ku qaadeen duullaan toos ah oo askartoodu lugta ku galeen & duqayn xooggan oo ay ku garaaceen. Maalmihii u dambeeyay askarta Yuhuudda ayaa bartilmaameed ka dhigtay meelo kala duwan sida Isbitaallada la gaynayo Dadka ku soo dhaawacma...

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa diiday go’aankii kasoo baxay isimmada SSC- Khaatumo, kuwaas oo sheegay in aysan xildhibaano u xulidoonin maamulka Puntland. ⓘ Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare, ayuu ku sheegay in go’aanka ay gaareen Isimmada SSC- Khaatumo uusan waafaqsanayn habraaca loo marayo kala kala gurista labada maamul. Guddoomiye...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, kaasi oo loogu hadlay dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024. Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir...

Ciidamada Difaaca Israa’iil  ayaa sheegay in toban askari lagu dilay dagaallo ka dhacay Qaza Sabtidii, iyadoo jimcihiina la dilay shan kale taasoo ka dhigaysa qaar ka mid ah maalmihii ugu dhimashada badnaa ciidamada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka billowday. Tobanka askari ee la dilay Sabtidii, shan ka mid ah ayaa lagu dilay koonfurta Gaza, afar kalena waxaa...