Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada badda Puntland, ayaa xoojiyey howlgallada xeebaha ee degaanada maamulkaas, ka dib markii kooxaha burcad badeedu ay bilaabeen weeraro ay ku qafaalanayaan doonyaha kalluumaysiga iyo maraakiibta ganacsiga. ⓘ Taliyaha ciidanka badda Puntland Cabdullaahi Maxamed Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP, ayaa u sheegay in ay laba jibaareen howlgallada ka socda...

Haweeney 70 sano jir ah oo u dhalatay dalka Uganda ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii lagu beeray ilmo, sida laga soo xigtay isbitaal ku yaala dalka Uganda. Safina Namukwaya, ayaa umushay wiil iyo gabar kadib markii ay qaliin ku martay isbitaalka Kampala. Waa markii labaad muddo saddex sano ah oo ay umusho. Sanadkii 2020-kii, ayay dhashay gabar. Haweeneydaan oo...

Madaxweynaha Puntland qorshe cajiib ah u dejiyey isku daygiisa ugu danbeeya ee muddo kororsiga.Maalmihii ugu dambeeyey  waxaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka socdey dedaalo lagu xalinaayo ismari-waaga ka taagan doorashada Puntland ee loo madlan yahay in ay qabsoonto 8 Janaayo 2024. Xiisadda iyo jaahwareerka waxaa kor u qaadey kadib markii 19 bishii hore ee Nofeembar...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. ⓘ Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Halgan ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa sadax ruux oo kale. Qaraxa miino ayaa...

Kulan uu Magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddiga Qaran ee kahortagga Lacag-dhaqista & Maalgashiga waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ ayuu Guddigaan uga shiray adkeynta howlaha shaqo ee horyaalla si wax looga qabto caqabadaha ka dhalan kara. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shir Guddoomiyay kulankaan oo ay ka qaybgaleen Wasiirrada...

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa kor u sii kacay heerka biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay biloowgii todobaadkaan dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne. Kororka biyaha wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii saacadahii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da’een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne, islamarkaana waadiyaasha ay kusoo...

Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala magalada Baledweyne. saacadihii la soo dhaafay magaalada baladweyne iyo deegaanada hoosyimada waxaa ka da,ay roob xoogaan waxaana uu sababay in biyo badan ay soo gaaraan baladweyne oo wajaheysay fatahaad ka dib markii...

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo gaaray degmada Mahadaay ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada oo ay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha ku dhuftay Degmada Mahadaay. Cali Guudlaawe oo ka hadlayey dhibaatada ka jirta degmada ayaa yiri, “Waxa aan soo gaarnay degmada Mahadaay oo daadadkii Wabiga ku fatahay iyo Roobabkii...

Dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa si wadajir ah usoo saaray war murtiyeed ka kooban 16 qodob, kadib safar shaqo oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhigiisa dalka Burundi Évariste Ndayishimiye kala hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga xiriirka labada dal ka dhexeya, la dagaalnaka Alshabaab iyo...

olaha Ammaanka ee QM ayaa ansixiyey qaraar lagu kordhinayo oggolaanshaha Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah oo ah illaa 30-ka June, 2024-ka. Qaraarka tirsigiisu yahay 2710, kaasoo ku guuleystay taageerada wadajirka ah ee 15-ka xubnood ee golaha, ayaa u fasaxaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ilaa 17,626 askari...