Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Waxaa aad loo hadal hayaa mid kamid ah hubka la casriyeeyay ee ay ku dagaalameyso Xamaas kaas oo la sheegay in uu yahay mid fudud oo garbaha laga tuuro isla markaana awoodda u leh in uu duleeliyo Taangiyada ama Gawaarida Qafilan ee aadka u adag. Qoriga Yaasiin ayaa ah Garneelka Garbaha laga tuuro ee RPG ama Baasuukaha Soomaalida ay u taqaan balse ay sii casriyeysan Xamaas...

Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Camaara ee gobolka Mudug. ⓘ Howlgalada ayaa la tilmaamay iney ahayeen kuwa lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Camaara iyo deegaanada hoostaga, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda. Saraakiisha waxay...

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €89.5 milyan oo Yuuro ah, oo €20 milyan oo kamid ah loogu talagalay in lagu taageero miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee la meel mariyay. ⓘ “Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Maalgelintan waxaan ugu talo galnay in aan wax kaga qabanno dowlad-dhisidda Soomaaliya, annagoo eegayna mudnaanta siyaasadeed...

Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa Gobolka Galgaduud ka billowday xal u helista dagaal-beeleed saameyn taban ku reebay bulshada ku nool deegaanno hoosta Degmooyinka Guriceel iyo Balanballe sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Mustaqbal u xog-warramay. Taliska Booliiska Degmada Guriceel iyo maamulka Balanballe ayaa kormeer qiimeyn ah ku tegay deegaanka loo yaqaan Xirsi Lugeey...

Sida laga soo xigtay website ka faalooda arimaha ciidamada, ciidamada qaaska ahaa ee Maraykanka ee laga dajiyay Israel ayaa u jeedka loo geeyay halkaas yahay inay cirib tiraan dagaalyahanada ururka Xamaas iyaga oo garab siinaya ciidamada difaaca ee Israa’iil. Korneyl hawlgab noqday oo ka tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka ayaa wareysi laga sii daayay talafishinka ku...

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad Gaashaanle sare Sheekh Aadan Abuukar Maxamed oo fagaare ku yaala Baydhabo kula hadlaayay boqolaal ka mid ah ciidanka xasilinta ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa uga digay ineysan ku xadgudbin dadka shacabka ah. Guddoomiye Sheekh Aadan Abuukar ayaa ciidamada ka hor sheegay in askarigii ku xadgudba shacabka ee...

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay meel 15 KM u jirta degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool. Ciidamada ayaa la tilmaamay in howlgalka ay ka fuliyeen goob uu shir uga socday xubno ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad. Taliyaha...

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir in ay wax ka ogayd warqad uu soo qoray gudoomiyaha Baarlamaanka, taasoo ku saabsanayd in Soomaaliya ay ka tanaasushay musharaxnimada madaxweynaha baarlamaanka Afrika (IPU). Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, oo hoggaaminayay wafdi baarlaamaanka...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan, halkaas oo shalay dagaalo saacado badan qaatay uu ka dhacay. Dagaalada ayaa shalay sigaar ah waxaa ay uga dhaceen degaanka Caag-sibiri oo hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay weerareen...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taageero  u muujiyay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali, oo u tartamaysa madaxweynaha Midowga Baarlamaanada qaramada (IPU). ⓘ Marwo Bashiir waxay kamid tahay xildhibaanada kasoo jeeda Puntland Midowga Baarlamaanada qaramada (IPU), ayaa dooran doona madaxweynahooda 31aad ee soo socda....