Muxuu yahay Qoriga ‘Yaasiin’ ee Xamaas ku dagaalameysa ee aadka loo hadal hayo?

by admin | Sunday, Oct 29, 2023 | 114 views

Waxaa aad loo hadal hayaa mid kamid ah hubka la casriyeeyay ee ay ku dagaalameyso Xamaas kaas oo la sheegay in uu yahay mid fudud oo garbaha laga tuuro isla markaana awoodda u leh in uu duleeliyo Taangiyada ama Gawaarida Qafilan ee aadka u adag.

Qoriga Yaasiin ayaa ah Garneelka Garbaha laga tuuro ee RPG ama Baasuukaha Soomaalida ay u taqaan balse ay sii casriyeysan Xamaas iyada oo ay marar kala duwan ku tijaabisay dagaallo ay la gashay dhanka Ciidanka Israaiil.

Waxaa la sameeyay Qorigaan sanadkii 2004tii iyada oo loogu magac daray hoggaamiyihii hore ee Xamas Sheekh Axmed Yaasiin oo ku dhintay duqeyn ay ku beegsadeen Ciidanka Israaiil 22kii Maarso sanadkii 2004tii.

Xamaas ayaa ka heysata tiro aan xadidneyn hubkaan ama qorigaan iyada oo kala hortagta Taangiyada Israaiil xiliyada ay isaga hor yimaadaan dagaallada tooska ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil u xog-warrantay Teleefishinka Aljazeera.

Israaiil ayaa ku faanta in ay go’doon gelisay Magaalada Gaza si aanay hub, Shidaal ama waxyaabaha kale ay u baahan yihiin Xamaas u helin balse ma baajin in ay farsameystaan hubka ay u baahan yihiin ay kala hortagaan Israaiil.

Like it? Share it!

Leave A Response