Ciidanka dowladda oo qorsheynaya iney la wareegaan magaalada Caad ee gobolka Mudug

by admin | Sunday, Oct 29, 2023 | 114 views

Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Howlgalada ayaa la tilmaamay iney ahayeen kuwa lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Camaara iyo deegaanada hoostaga, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada ay haatan u diyaar garoobeen la wareegida magaalada Caad iyo deegaanada hoostaga oo ay wali gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Deegaanada gobolka Mudug ee maamulka Galmudug waxaa bilahii lasoo dhaafay si xowli ah uga socday howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudo laba bilood ah dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ka hogaaminaayay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response