Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte

by admin | Sunday, Oct 29, 2023 | 120 views

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya.

Magacaabistaan ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowlada, waxaana xusid mudan in magacaabista Cali Jeyte Cismaan ay kusoo beegmeyso, iyadoo uu horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Hiiraan State.

Lama oga inuu Cali Jeyte Cismaan uu aqbali doono iyo inuu diidi doono xilkaan cusub ee loo magacaabay, kaasoo haduu aqbalo meesha ka saari doono jiritaanka maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa ee Hiiraan State.

Magacaabistaan ayaa sidoo kale lagu sheegay jn Cali Jeyte loogu xushay kaalinta uu ku lahaa kacdoonka dadweyne iyo wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee sanadkii hore looga xureeyay kooxda shabaab guud ahaan bariga gobolka Hiiraan.

Bilo ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudaale Xuseen uu xilkii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka qaaday Cali Jeyte Cismaan, hayeeshee xilka qaadistiisii kadib wuxuu Baledweyne uga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Hiiraan State.

Gabagabadii dadka reer Hiiraan ayaa si aad ah u hadal haya maanta xilkaan loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan, kuwaas oo il gaar ah ku haya go’aanka Cali Jeyte Cismaan uu ka qaadan doono magacaabistaan cusub.

Like it? Share it!

Leave A Response