Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’

by admin | Sunday, Oct 29, 2023 | 104 views

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhowaan sida tooska ah uga billaabanaya Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil la hadashay Mustaqbal Media.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa diiradda saaray booqashada Degmooyin katirsan Gobollada Baay iyo Bakool si uu ula kulmo saraakiisha & ciidanka loo diyaariyay duullaanka ka dhanka ah ‘AS’.

Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Dadka Deegaanka ayaa loo diyaariyay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen howlgalka wajigiisa labaad ee ka dhanka ah ‘AS’ sida ay sheegeen saraakiil ciidan.

Ciidamada ka qaybgalaya howlgalka waxaa kamid ah Askar dhowaan qaatay tababar gaar ah kuwaas oo loo tababaray Militariga sida Booliiska u howlgalla, askartaas ayaa lagu wargeliyay in ay diyaar u noqdaan howlgalladaan culus.

Degmooyin badan oo katirsan Gobollada Baay & Bakool Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxa ay galeen go’doon kaddib markii waddooyinkii la isaga kala gudbayay ay weerarro iyo qaraxyo dhowr jeer ka geysatay ‘AS’.

Like it? Share it!

Leave A Response