Daawo:Shirkado laga leeyahay dal Carbeed oo adeegyada Isgaarsiinta gaarsiinaya Qasa

by admin | Sunday, Oct 29, 2023 | 125 views

Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala dalka Masar ayaa xaqiijiyey inay adeegyada isgaarsiineed gaarsiin doonaan dadka ku nool magaalladda Qasa ee lagu hayo Duqeymaha, lagana jaray Nooc kasta oo isgaarsiinta casriga.

Afarta Shirkadood ee ugu weyn shirkadaha bixiya adeega telefoonka iyo internetka ee saldhigoodu yahay dalka Masar ayaa kala ah: Vodafone, Telecom Egypt, Etisalat Misr, &e, iyo Orange.

Sarkaal u hadlay shirkadda Isgaarsiinta Vodafone ee Masar ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay taawarada mobaylada geeyaan magaalladda Rafax ee Masar, si ay u daboolaan baahida isgaarsiineed ee 10 KM ee gudaha Marinka Qasa ee Falastiin

Waxa uu intaasi ku daray inay shan taawarada mobaylada diyaar u yihiin in la diro, isagoo xusay in loo baahan yahay inay xiriir sameeyaan labada dhinac ee Masar iyo maamulka Falastiin.

Ilo-wareed kale ayaa xaqiiyey in Shirkadda kale ee Elisalat ee Masar diyaar u tahay inay tiro taawarada mobaylada iyo saldhigyada moobaylada degdega lagu rakibo xuduudka Masar iyo Falastiin, si adeegga isgaarsiinta u helaan dadka ku nool deegaanada Daanta Galbeed ee Falastiin.

Bishan October 27-dii ayey diyaaradaha dagaalka Israel waxay burburiyeen taawaradii isgaarsiinta ee magaalladda Qasa ee go’doonsan, taasi oo keentay inay hawada ka baxaan adeegyada isgaarsiineed ee telefoonka iyo internetka.

Like it? Share it!

Leave A Response