Dowladda Soomaaliya oo dhigtay baroordiiq lagu xasuusanayo dadkii ku geeriyooday qaraxyadii Soobe 2

by admin | Sunday, Oct 29, 2023 | 126 views

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku dhigtay baroor diiq lagu xasuusanayo dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii dadka badani ku geeriyoodeen ee Soobe 2, kaasoo dhacay 29- kii bishii October ee sanadkii hore.

Wasiirro iyo boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan kuwii dadkoodii ku waayay qaraxyadaas mataanaha ahaa, ayaa ka qeyb galay baroordiiqdan oo lagu dhigay agagaarka wasaaradda waxbarashada oo ahayd goobtii ay ka dhaceen labada qarax.

Boorar ay ku qornaayeen magacyada dadkii ku geeriyooday qaraxyadaas ayaa lagusoo bandhigay goobta, si loogu sameeyo baroordiiq lagu xasuusto. Dadkaas ayay dowladdu sheegtay in ay ku jireen arday dhallinyaro ah oo shahaadooyin usoo doontay wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheikh Cabdiqaadir, ayaa sheegay, dadka Soomaaliyeed in ay la gudboon tahay inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Alshabaab in lasoo afjarayo.

Wasiirka waxbarashadu wuxuu sheegay in ay dowladdu waxbarasho bilaash ah siisay carruurta kasoo jeeda qoysaskii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxyadaas

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa isna ku baaqay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay haatan ku howlan yihiin inay Alshabaab ciribtiraan.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxyadaas, iyagoo sheegay inay la bartilmaameedsadeen xarunta wasaaradda waxarashada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa qaraxyadaan ku geeriyooday in ka badan 100 qof, waxayna ahaayeen qaraxyadii  ugu dhimashada badnaa ee magaalada Muqdisho ka dhaca inta la xasuusto.

Like it? Share it!

Leave A Response