Guddoonka baarlamaanka oo jawaab ka bixiyay eedeyntii xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir

by admin | Saturday, Oct 28, 2023 | 107 views

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir in ay wax ka ogayd warqad uu soo qoray gudoomiyaha Baarlamaanka, taasoo ku saabsanayd in Soomaaliya ay ka tanaasushay musharaxnimada madaxweynaha baarlamaanka Afrika (IPU).

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, oo hoggaaminayay wafdi baarlaamaanka katirsan oo ka qeyb galay doorashada madaxweynaha baarlamaanka adduunka oo ka dhacday magaalada Luanda ee dalka Angola, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Tansaaniya ay ku heshiiyeen, in Soomaaliya kursiga IPU uga tanaasusho Tanzania, halka Tansania ay Soomaaliya kala shaqeynayso in ay ku biirto ururka bulshada bariga Afrika, iyo kursi kale oo yaala Qaramada Midoobay.

Guddoomiye Abshirow wuxuu sheegay wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya in ay bishii August soo saartay warqad ay ku sheegayso in ay Soomaaliya taageerayso Tanzania inay ku guulaysato madatinimada baarlamaanka adduunka.

“Waxaan idiin caddeynayaa in xildhibaan Marwo naga ogolaatay in ay kursigaas ka tanaasusho. Markaas kaddib ayuu guddoomiyuhu soo saaray waraaq aan isla ognahay oo uu ku sheegayo in xildhibaan Marwo ay ka hartay tartanka, iyadana ay ku lifaaqdo warqad kale. “ ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Abshirow wuxuu sheegay Soomaaliya inay dan ugu jirtay inay ka tanaasusho kursiga baarlamaanka adduunka, oo ay ku beddeshaan kuraas kale oo ay garab kaga helayaan dalal Afrikaan ah oo ay Tansaaniya ku jirto.

Shalay ayay ahayd markii xildhibaan Marwo ay sheegtay in aanay waxba kala soconin warqadda baraha lagu arkay ee sheegaysay in ay ka tanaasushay tartanka madaxweynaha baarlamaanka adduunka.

Xildhibaan Marwo oo ka qeyb gashay doorashada waxay ka heshay 11 cod, waxaana ku guulaystay haweeneyda ka socotay dalka Tanzania oo ay Soomaaliya u tanaasushay.

Like it? Share it!

Leave A Response