ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka oo howlagalo ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

by admin | Friday, Oct 27, 2023 | 111 views

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa howlgallo xoogan ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan, halkaas oo shalay dagaalo saacado badan qaatay uu ka dhacay.

Dagaalada ayaa shalay sigaar ah waxaa ay uga dhaceen degaanka Caag-sibiri oo hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay weerareen Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda iyo degaanka Ceel-cadde ee Galbeedka Gobolka Hiiraan kadib markii ay weerareen Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda ayaa saaka ilaa xalay howlgallo ka wada degaannada lagu dagaalamay, waxaana saraakiisha ciidamada degaanka ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii guud ahaan Gobolka Hiiraan looga xorreyn lahaa Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, marka laga reebo howlgallada ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka

Like it? Share it!

Leave A Response