Madaxweyne Deni oo taageero u muujiyay xildhibaan aqalka hoose ah oo u tartamaysa baarlamaanada Qaramada

by admin | Friday, Oct 27, 2023 | 103 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taageero  u muujiyay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali, oo u tartamaysa madaxweynaha Midowga Baarlamaanada qaramada (IPU).

Marwo Bashiir waxay kamid tahay xildhibaanada kasoo jeeda Puntland

Midowga Baarlamaanada qaramada (IPU), ayaa dooran doona madaxweynahooda 31aad ee soo socda. Doorashada ayaa waxay ka dhicidoonta magaalada Luanda, Angola, 27 Oktoobar.

Madaxweynaha IPU, waa madaxa siyaasadda ee baarlamaanka. Waxa uu gudoomiyaa kulamadooda sharciga ah. Waxaa uu xilka hayaa muddo saddex sano ah. Waana inuu noqdaa xildhibaan fadhiyo inta uu xilka hayo.

Dhawaan ayaa baraha bulshada waxaa lagu arkayay warqad dowladda kasoo baxay oo lagu sheegayo in dowladdu ka baxday tartanka ay u galayso Baarlamaanka adduunka.

Balse, lama xaqiijin karo in warkaasi,

Waa kuwaan musharraxiinta u sharraxan IPU.

Adji Diarra Mergane Kanouté, Senegal.

Ms. Kanouté waxa ay ahayd xildhibaan ilaa 2017. Waxa ay ahayd madaxweyne ku xigeenka kooxda aqlabiyada madaxweynaha ee baarlamaanka qaranka Senegal ilaa todoba sano. Ms. Kanouté sidoo kale waa madaxweyne ku xigeenka hadda ee Guddiga Fulinta IPU ilaa Maarso 2023.

Catherine Gotani Hara, Malawi.

Ms. Hara ayaa markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan sannadkii 2009. Waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee guddoomiye ka noqota baarlamaanka Malawi 2019-ka, jagadaas oo ay weli hayso. Ms. Hara waxa ay soo qabatay xilal muhiim ah oo ay ka mid tahay wasaarada horumarinta caalamiga ah ee UK oo ay masuul uga  ahayd barnaamijyada nuglaanta ee Malawi iyo Mozambique.

Tulia Ackson, Tanzania

Ms. Ackson waxa ay noqotay xildhibaan 2015. Hadda waa guddoomiyaha baarlamaanka qaranka, jagadaas oo ay heshay 2022 ka dib markii ay ahayd guddoomiye ku xigeenka. Ms. Ackson waxa ay sidoo kale noqotay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud 2015. Ms. Ackson haatan waa madaxa IPU ee arrimaha Afrika.

Marwa Cabdi Bashiir Xaaji, Somalia

Marwo Cabdi Bashiir Xaaji  ayaa tan iyo sanadkii 2022 ka mid aheyd Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay sidoo kale aheyd Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Kheyraadka. Waxay leedahay waayo-aragnimo  in ka badan 15 sano oo la shaqeyneysa Dowladda Soomaaliya oo ay ku jirto diyaarinta warbixinnada mashaariicda ee Bangiga Adduunka.

Like it? Share it!

Leave A Response