Dagaalka & duqeynta Gaza oo galay maalintii 20aad.

by admin | Friday, Oct 27, 2023 | 137 views

Ciidamada Israaiil ayaa duqeyn argagax dhalisay waxa ay ku beegsatay Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin iyada oo ku dishay Shacab Falastiiniyiin ah oo u badan Carruur, Haween, Dad da’ ah iyo Dhalinyaro waalidkooda la joogay.

Duqeynta Israaiil oo muddo dheer socotay waxa ay qiil ka dhigatay weerarkii lagu dilay askarta, saraakiisha badan ee ciidankooda katirsan isla markaana lagu soo kaxaystay Maxaabiista gacanta Falastiin ilaa hadda ku jirta.

Xasuuqii ugu weynaa ayay Israaiil ka geysatay Magaalada Gaza kaddib markii 17kii Okootabar 2023 ay gantaal xooggan ku dhufatay Isbitaalka Al-Ahli Babtist oo waxaa halkaas marqura ku dhintay in ka badan 500 oo ruux oo dhammaan Shacab ah.

Dadkaas dhintay waxaa kamid ah bukaanno horay ugu soo dhaawacmay duqeynta argagaxa leh ee Israaiil ku beegsatay guryaha Dadka rayidka ah ee burburka xooggan u geysatay halka qaarkood ilaa maanta duqeyntu ku socota.

Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska,Yukreyn iyo Dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa garab istaag u muujiyay Israaiil balse mowqif kaas kasoo horjeeda waxaa lasoo baxay Waddamada Islaamka, Ruushka, Shiinaha iyo Dalal kale oo indhaha ka qabsan waayay xasuuqa Yuhuuddu geysaneyso.

Xukuumadda Washington ayaa ciidamo dheeraad ah u daabushay dhanka Bariga dhexe, Maraakiibta Gantaallada iyo Diyaaradaha Xambaara ayay ugu dartay si ay u difaacaan Israaiil oo qalabkii ay heysatay wax ka qaban waayay duqeynta ku socota.

Iiraan, Xisbullaahi iyo kooxo ka dhisan Suuriya & Ciraaq ayaa ku goodiyay in ay dagaalka dhankooda toos usoo geli doonnaan iyaga oo beegsanaya goobaha muhiimka u ah Israaiil si ay markale u xanuujiyaan una dareento dhibaatada dagaalka uu leeyahay.

Like it? Share it!

Leave A Response