Howlgal lagu dilay afar ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool

by admin | Saturday, Oct 28, 2023 | 110 views
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay meel 15 KM u jirta degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa la tilmaamay in howlgalka ay ka fuliyeen goob uu shir uga socday xubno ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Taliyaha Ururka 51-aad guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed laba Xidigle Deeroow Macalin Cabdi oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen afar horjooge, islamarkaana ay ku dhaawaceen 9 kale oo maleeshiyaad ah.

“Howlgalka waxaan la beegsanay goob ay shir ku lahayeen Khawaarijta waxaana ku dilnay afar horjooge, anaga cidna wax noogama gaarin, waxaa inoo bilaawday wajiga labaad ee howlgalka Khawaarjita lagu cirib tiraayo, waana sii wadeyna howlgalka noocaan oo kale ah” ayuu yiri Taliye la a Xidigle Deeroow Macalin Cabdi.

Gabagabadii Taliye Deeroow Macalin Cabdi muusan sheegin magacyada xubnaha horjoogayaasha ah oo ay howlgalka qorsheysan ku dileen, waxaana howlgalkaan uu qeyb ka noqonaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

 

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response