Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida oo digniin culus hordhigtay ciidamada dowladda

by admin | Saturday, Oct 28, 2023 | 127 views
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad Gaashaanle sare Sheekh Aadan Abuukar Maxamed oo fagaare ku yaala Baydhabo kula hadlaayay boqolaal ka mid ah ciidanka xasilinta ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa uga digay ineysan ku xadgudbin dadka shacabka ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Abuukar ayaa ciidamada ka hor sheegay in askarigii ku xadgudba shacabka ee dil geysta ama isbaaro dhigta la marsiin doono talaabo cad oo sharci waafaqsan.

“Waxaad tihiin ciidan xasilin oo bulshada ka dhex shaqeynaya, looma baahna inaad ku xadgudubtaan dadka oo aad geysatan dilal ama dhigataan isbaaro, waxaan idinkaga digaya arimahaas oo dhan askarigii lagu helo dambiyo noocaas ah sharcjga ayaa lasoo taagi doona” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan.

Hadalkaan kaasoo yeeray guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii ugu dambeeyay Maxkamada ciidamada Qalabka sida ay magaalada Baydhabo ku toogtay askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo horay askar iyo dad shacab ah siyaabo kala duwan ugu dilay deegaano ka tirsan Baay.

Dhanka kale deegaanada gobolada Baay iyo Bakool waxaa haatan ka socda u diyaar garoowga dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Alshabaab oo halkaasi ay ka wadaan ciidanka dowladda, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response