DG Galmudug oo billowday Nabadeynta Beelo dhowaan ku dagaalamay Gobolka Galgaduud.

by admin | Saturday, Oct 28, 2023 | 115 views

Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa Gobolka Galgaduud ka billowday xal u helista dagaal-beeleed saameyn taban ku reebay bulshada ku nool deegaanno hoosta Degmooyinka Guriceel iyo Balanballe sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Mustaqbal u xog-warramay.

Taliska Booliiska Degmada Guriceel iyo maamulka Balanballe ayaa kormeer qiimeyn ah ku tegay deegaanka loo yaqaan Xirsi Lugeey ee Gobolka Galgaduud oo dhowaan ay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Ciidamo katirsan Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug oo kala dhexgalaya labada dhinac ayaa ku guuleystay in ay dhaqangeliyaan xabad-joojinta labadaas Maleeshiyo-beeleed si ay Odoyaashu ugu fududaato u kala garqaadistooda.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay dhowaan deegaanka Xirsi Lugeey ay u tagaan ka qaybgalka gogosha nabadeed ee la isugu geynayo Odoyaasha dhaqanka labada beeleed ee dagaalamay.

Like it? Share it!

Leave A Response