Dekadda Muqdisho waxaa soo gaaray Markabkii ugu horeeyay ee dagaal oo uu Turkiga leeyahay.

by admin | Tuesday, Apr 23, 2024 | 26 views

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Kınalıada F514 ayaa maanta oo Talaado ah kusoo xirtay Dekedda magaalada Muqdisho kadib markii ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah bishii February ee sanadkii 2024-kii.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo markabka dushiisa lagu xusayo 10-kii sano ee la soo dhaafay heshiiska iskaashi ee dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ee Turkiga.

tani waxay ka dhigan tahay in markabkii ugu horreeyay ee dagaal ee Turkigu uu soo gaaro Dekedda Muqdisho, taasoo astaan ​​u ah in uu billaabay heshiiskii 10-ka sano ahaa ee ay Soomaaliya la galeen.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo bishii February la hadlay xubnaha Golaha Wasiirada ayaa sheegay in sida uu dhigayo heshiiskaasi Turkiga uu ku dhisayo, tababaro, qalabayn doono Ciidamada Badda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response