Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaannada labada aqalka ee kasoo jeeda degaannada SSC- Khaatumo, ayaa ku eedeeyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis, inuu faragelin ku hayo oo uu ka soo horjeedo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo. Bayaan ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxay dowladda federaalka ugu baaqeen  in dib u eegis dhamaystiran lagu sameeyo dhaqdhaqaaqyadii dublamaasiyadeed...

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta ee loosoo gaabiyo (FCDO) ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Dibadda ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $9 milyan oo Doollar oo lagu darayo mashruuca ADRifi. Mashruucaan waa mid Bangigaga Horumarinta Afrika oo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ay fuliye ka tahay, Xafiiska ayaa...

Doon ayaa lagu af-duubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, taasoo keentay qeylo dhaan ku saabsan dib u soo cusboonaanta burcad-badeedda Soomaalida kaddib ku dhawaad  toban sano oo xasillooni ah. Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in doon ganacsi ay dad aad u hubeysan ku qabteen meel u dhow degmada Eyl ee xeebaha Soomaaliya. Xogtan...

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday toorey oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Weerarka oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Seybiyaano ayaa waxaa gaystay nin ku hubeysnaa Mindi ama Toorey oo weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa halkaasi. Ninka ayaa la sheegay inuu...

Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley) ayaa sheegay in markhaatiyadii isaga difaacayay ay Booliska Addis Ababa ugaysteen jidh dil iyo xarig, sida uu Cabdi Iley uu ka hor sheegay Maxkamadda. Cabdi Iley waxa uu sheegay in saddex maalmood ee u dambaysay xadhig iyo jidh dil loogaystay 5 kamid ah Markhaatiyadiisii isaga difaacayay,...

Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Aboodin oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ah iyo kuwa kooxda Al-shabaab. Warbaahinta ku hadasha...

Ciidamada huwanta ayaa kusii siqaya deegaanada ay xubnaha Al-Shabaab ka joogaan labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay...

Mid ka mid ah shaqaalihii la socday markab ganacsi oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah, oo dhaawac ah ayaa lagu guuleystay in ciidamada badda Hindiya ay ka daad gureeyaan markabka MV Ruen. Sida la sheegay, ninkan oo qaba dhaawac aad u culus, kana mid ahaa shaqaalaha markabka, ayaa waxaa toogtay kooxda burcad badeedda, intii uu socday howlgalka afduubashada. Ciidamada...

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa lagu faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay duqaynta Ciidanka Israaiil ay ka gaysteen Magaaladaas 48dii saac lasoo dhaafay oo galaafatay nolosha dad badan oo Shacab ah. Warka Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in Dadka ku dhintay duqaynta xooggan ee Yuhuudda ka gaysatay Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaza ay...

Caro xooggan ayaa ka dhalatay arrin xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ka dib markii wadada isku xirta Km4 & Zoope loo xiray Taliyaha ciidanka Jabuuti G/Sare C/raxmaan Cali Kaahin oo ay la socdeen Xildhibaan Saadaq Joon iyo xaaskiisa Heybado Ismaaciil Cumar Geelle. Taliyaha booliska Jabuuti ayaa maalmahan ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna 19kii bishan u yimid ka qeyb galka...