Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay sadax haween ah oo guri ku yaala degmada Waabari ku balamiyay wiil dhalinyaro ah dabadeedna ka duubay muqaal iyagoo jirdilaya. ⓘ Mid ka mid ah sadaxda haweenka ee jirdilka u geystay ninkaan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu xiriir kala dhaxeeyay, taasoo ku balamisay guriga...

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadiisa. Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble iyo Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Arrimaha Dibbada Cabdi-naasir Cumar Jaamac. “Sida...

Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle u magacaabay ku xigeenka xoghayaha guud urur goboleedka IGAD. Soo jeedinta magacaabidda ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, waxaa gudbiyay wasiirka arrimaha dibbada ee dalka Jabuuti, ahna shir guddoonka golaha wasiiradda IGAD. ⓘ Tallaabadan Maxamed Cabdi Waare loogu magacaabay ku xigeenka xoghayaha...

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay kudileen degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Macalin Dugsi Qur’aan iyo Walaalkiis oo dhaqtar ahaa. Maleeshiyaadka hubeysan ayaa alle ha u naxariistee kudilay degaanka Ilix oo u dhow degaanka Ceeldheere oo kuyaalla inta u dhaxeysa Magaalada Dhuusamareeb...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna. Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga Hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha...

Uqaabilsanaha madaxweynaha Soomaaliya ciidamada Macawuusleyda Cali Jeyte Cusmaan ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kawada qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanno Al Shabaab kusoo dhawaadeen. Cali Jeyte oo hadal u jeediyay ciidamo macawuusley ah ayaa ugu baaqay in ay dhaqaaqaan oo aysan iska joogin gobolka Hiiraan iyo deegaanno gaar ah, waxa...

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ee Macawiisleyda ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan degaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo mudug ee Mamaulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle. Howlgalka koowaad oo shalay soo billaawday ayaa waxaa ay Ciidamada ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka mudug,...

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in wax sii socon kara uusan ahayn go’aankii ay shalay ku dhawaaqeen baarlamaanka Puntland, kuwaas oo muddo kordhin sanad ah sameystay. ⓘ Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in go’ankaasi uu yahay mid sharci darro ah oo laga naxo in dadka shacabka ah dhegahooda uu gaaro, wuxuuna sheegay in baarlamaanku...

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya, dul dhigay xayiraad calaami ah oo dhanka socdaalka ah, kaddib markii shil baabuur oo uu ku galay magaalada Istanbul uu ku geeriyooday Emre Göçer, oo ahaa muwaadin u dhashay Turkiga . ⓘ Shilkan dhimashada sababay ayaa ka dhacay wadada Eurasia Tunnel,...

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay isaga baxeen Saldhigyo ay ku lahayeen deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo oo ku yaal Koonfurta gobolkaas. ⓘ Kooxda ayaa markii ay isaga baxayeen deegaanadaas waxay sii daayeen qaar ka mid ah maxaabiis badan oo deegaanadaas ugu xirna mudo sanado ah. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda fedaraalka ayaa...