Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo sheegay in loo baahan yahay in culimada Soomaaliyeed dhanka afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabaab. ⓘ Hadalka Raysal wasaare Xamse waxaa ka mid ahaa...

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Cabdi Jiinow Calasow lataliyaha sare ee arrimaha kheyraadka Badda iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee maamulka Hirshabeelle. Sidoo kale madaxweynaha markuu arkay Qodobada 51aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle. Dhanka kale, markuu arkay In hab nololeedka bulshada...

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa. Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’. Raysal wasaare Xamsa...

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa goordhaw gaaray Magaalada Tel Aviv waxaana safarkiisa xaqiijiyay diblumaasiyiin katirsan waaxda uu hoggaamiyo inkasta oo ay dabooleen xogta safarkiisa. Blinken socdaalkiisa horay looma sii shaacin waxaana uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiin kala derajo duwan oo Israaiil katirsan kuwaas oo kala hadlayo xaaladda...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada booliska HirShabelle ay qaadeen tallaabooyin ka dhan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Ciidamada ammaanka ayaa soo xiray ugu yaraan siddeed oday dhaqameed oo loo haysto inay ku lug lahaayeen hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada kala...

Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa ku baaqay in la garab istaago howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dalka. Guure ayaa sheegay in aanay nabad la heleen ilaa inta laga soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ Sida uu hadalka u dhigay waxaana uu bogaadiyay howlgallada ka socda...

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed deegaanka Gugulethu oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika. ⓘ Marxuumka burcadu dishay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Ufurow Nuur Xuseen, waxaana burcada ay ku dhex toogatay goobtiisii ganacsiga iyagoona dilka kadib si deg deg...

Wabiga Jubba ee dhexmara qaar ka mid ah deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo ayaa saacadahii lasoo dhaafay sameeyay fatahaado xoogan oo ay ka barakaceen boqolaal qoys. ⓘ Meelaha uu wabiga fatahaadaha ka sameeyay waxaa ka mid ah degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baardheere oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, waxaana sidoo kale fataahadu  ay baabi’iyay...

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lacag gaadhaysa 2 milyan oo dollar ay kaga bixi jirtay dagaalkasta oo dhaca, intii ciidanku Goojacadde joogay. ⓘ Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shirre oo hortagay guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in lacag badani ay Somaliland kaga baxday dagaalkii Laascaanood. “Intii Goojacadde la joogay...

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo ciidamadiisa, kadib markii 19-kii August ee sanadkan lagu soo qabtay dagaal ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.. Xukunada ay ridday Maxkamadda Ciidamada ayaa Isugu Jiro dil, mag iyo sanado...