Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay fatahaadii wabiga Shabeelle uu dhawaan ka geystay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa bilaabay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda. ⓘ Qeybo ka mid ah Xaafadaha Buundaweyn, Howlwadaag, Xaawa taako iyo Kooshin ayaa la arkayay saacadahii lasoo dhaafay qoysas badan oo dib ugu soo noqonaya guryahooda...

Deynta lagu yeeshay Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka boobtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka. Waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha,...

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed saaka ka qarxay degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag sida BBC Somali sheegtay. ⓘ Dagaal beeleedkan oo u dhexeeya beelo dhawaanahan uu muran ka dhexeeyay, isla markaana isku horfadhiyay qaybo kamid ah degmada Dararwayne ayaa sidookale sababay dhaawac aan tiradiisa la xaqiijin. Dhawaqa rasaasta ayaa wali laga...

Culimada ‘Ahlu-suna waljamaaca’ ee ku sugan Ismaamulka Mandheera oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul uga falceliyey hadal dhawaan uu ka jeediyey masjid cusub oo laga daahfuray Mandheera wasiirka gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale. Hadalkii Wasiir Aadan Barre ka jeediyey Masjidka Mandheera ayuu ku dalbaday in masaajidka laga ilaaliyo dariiqooyinka Suufiyadda...

Ciidanka dowladda Fedaraalka oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgal qorsheysan kula wareegay Saldhig weyn oo kooxda Al-shabaab ku laheyd buurta lagu magacaabo Badbad oo ku taala Koonfurta gobolka Mudug. Kooxda Al-shabaab ayaa Buurta Badbad ku laheyd Saldhig weyn oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ka geysato qeybo ka mid deegaanada gobolka Mudug...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal khasaare lagu gaarsiyay kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Mudug. Howlhalka ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen deegaanka Baraag Cali Gaduud oo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug qiyaas ahaan 31 KM dhanka koonfureed kaga beegan ayaa ahaa...

Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay. Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday...

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada Khaalid bin Waliid ayaa dib ula wareegay degaanada Ruunnirgood iyo Galcad ee gobolka Sh/dhexe. Degaanadan iyo qaar kale ayey ciidamadu dib uga soo baxeen ciidamada Bilo ka hor istaraatiijiyad dagaal awgeed Howlgalkan oo uu hoggaaminyay Taliyaha Guutada Khaalid Bin Waliid G/lle Maxamed Dhagaweyne ayey ciidanku sidoo...

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday agaasimihii guud ee Akademiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabduqaadir Nuur Xuseen Maax. Xamse Barre ayaa xilka ka qaaday agaasime Cabduqaadir Maax kaddib markii qoraal uu soo saaray kaga dalbaday wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka in laga saaro Dastuurka dalka laga saaro...

Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka Soomaaliya ugu saxiixay heshiis saddex geesood ah oo ay wada galayeen DFS, UNSOS iyo ATMIS, kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya. “Waxaan magaalada New York...