Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ciidamada Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa maanta oo ah 17ka Deseembar 2023 waxa ay si rasmi ah u wareejinayaan mas’uuliyadda Amniga Madaxtooyada Soomaaliya & Xafiisyada Madaxda Qaranka. Askarta ATMIS ayaa si gaar ah u wareejinaya Amniga Xafiisyada Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha waxaana si rasmi ah ula wareegaya Ciidamo...

Taliyaha Nabad-sugidda dowlad Goboleedka Hirshabeelle Macallin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliye Macallin Yuusuf iyo ciidamo uu hoggaaminayay ayaa gaaray inta u dhaxeysa deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga Mahadaay,...

Dooni ay la socdeen muhaajiriin badan oo Afrikaan ah kuna sii jeeday Qaarada Yurub ayaa ku degtay biyaha dalka Liibiya, waxaana geeriyooday qaar badan oo kamid ah dadkii doonta saarnaa. Inta la xaqiijiyay waxaa doonida ku degtay biyaha dalka Liibiya ku geeriyooday 61-qof, waxaana lasoo bad baadiyay dad kale oo gaaraya 25-qof ,kuwaa oo qaarkood loola cararay xarumo caafimaad...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday iney dowladda ay wali fursad siineyso dhalinyarada ka barbar dagaalanta kooxda Shabaab. Taliyaha ciidanka dhulka Dayax Cabdi oo ku sugan deegaanka Shabeeloow oo ciidamada dowladda...

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwa Booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah ay si rasmi ah ula wareegaan amniga guud ee madaxtooyada dalka. Ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa wareejinaya sanado badan kadib amniga madaxtooyada dalka oo ay dagan yihiin madaxda ugu sareysa Soomaaliya. Xarunta madaxtooyada...

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay fatahaadii wabiga Shabeelle uu dhawaan ka geystay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa bilaabay iney dib ugu soo laabtaan guryahooda. ⓘ Qeybo ka mid ah Xaafadaha Buundaweyn, Howlwadaag, Xaawa taako iyo Kooshin ayaa la arkayay saacadahii lasoo dhaafay qoysas badan oo dib ugu soo noqonaya guryahooda...

Deynta lagu yeeshay Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka boobtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka. Waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha,...

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed saaka ka qarxay degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag sida BBC Somali sheegtay. ⓘ Dagaal beeleedkan oo u dhexeeya beelo dhawaanahan uu muran ka dhexeeyay, isla markaana isku horfadhiyay qaybo kamid ah degmada Dararwayne ayaa sidookale sababay dhaawac aan tiradiisa la xaqiijin. Dhawaqa rasaasta ayaa wali laga...

Culimada ‘Ahlu-suna waljamaaca’ ee ku sugan Ismaamulka Mandheera oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul uga falceliyey hadal dhawaan uu ka jeediyey masjid cusub oo laga daahfuray Mandheera wasiirka gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale. Hadalkii Wasiir Aadan Barre ka jeediyey Masjidka Mandheera ayuu ku dalbaday in masaajidka laga ilaaliyo dariiqooyinka Suufiyadda...

Ciidanka dowladda Fedaraalka oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgal qorsheysan kula wareegay Saldhig weyn oo kooxda Al-shabaab ku laheyd buurta lagu magacaabo Badbad oo ku taala Koonfurta gobolka Mudug. Kooxda Al-shabaab ayaa Buurta Badbad ku laheyd Saldhig weyn oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ka geysato qeybo ka mid deegaanada gobolka Mudug...