Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay shir Muqdisho ugu soo gabagaboobay Saraakiisha Booliiska Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. ⓘ Shirkaan oo Muqdisho sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday hogaanka sare ee talisyada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa dowlad goboleeydada...

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku raacay Ra’iisul wasaare Xamse mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa, isagoo khudbad ka jeedinayay madaxweynaha shir madaxeedka Afrika iyo Carabta oo shalay ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga. ⓘ “Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso walaaca ay Dawladda Soomaaliya ka qabto xaaladda ka taagan Qasa waxaan ku baaqeyna...

Nin la dhashay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudeey ayaa xalay lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu Guriceel ku dhex lahaa. Cabdullahi Cali Hudeey ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyey kooxo hubeysan oo markiiba ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah. Sidoo kale, Cabdullahi ayaa ka mid ahaa ciidanka dib u xoreynya degaanka isagoo ka qeyb qaatay...

Hay’adaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay sii daayeen 25 milyan oo dollarka Maraykanka ah si ay ugu bilaabaan samata bixinta daadadka Soomaaliya ka dhacay oo saameeyay 1.2 milyan oo qof. ⓘ Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ku qiyaasay in 1.6 milyan oo qof ay saameyn karaan fatahaadaha xilli-roobaadka ee hadda socda laga...

Maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo bandhigay ugu yaraan 10 maxaabiis ah oo katirsan ciidamada Soomaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo shalay ka dhacay degaanka Buq-dharkayn. ⓘ Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay in maxaabiistani ay ku jiraan saraakiil sare sare, iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub. Wareysiyo laga qaaday maxaabiista...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay hakiyeen muddo saddex bilood ah bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. ⓘ Go’aankan ayaa daba socda codsi ka yimid Soomaaliya oo ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab. Codsiga Soomaaliya waxaa taageeray Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka...

Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka duulay magaalada Abu Dhabi ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta. ⓘ Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu halkaasi kaga qeyb galo  shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka furmi doona magaalada...

Ciidamada SSSC- Khaatumo ayaa waxay dab qabad siiyeen tuulada Buq-dharkayn oo u dhow degmada Oog, sidoo kalena in ka badan 120km waqooyi Galbeed uga beegan Laascaanood. ⓘ Degaankaan ayaa waxaa ka dhacay iska-hor imaan u dhaxeeyay ciidamada SSC- Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ku dhintay in ka badan 5 ruux oo labada dhinac. Ciidamada SSC- Khaatumo oo ku gacan...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shirguddoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha Wasiirrada Xukuumadda, kaas oo lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedyo. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey  Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi. Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa ka dhacay xaafada Jabad Geele oo ka tirsan deegaankaaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in bamka lagu weeraray xarun ay shirkadda isgaarsiinta...