Golaha Wasiirrada oo Hay’adaha samafalka faray gurmad degdeg in ay la gaaraan dadka fatahaadaha saameeyeen

by admin | Thursday, Nov 9, 2023 | 108 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shirguddoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha Wasiirrada Xukuumadda, kaas oo lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedyo.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey  Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, oo golaha horgeysay Wasaaradda Amniga gudaha.

Golaha ayaa la horkeeyey warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka, iyaga oo golaha faray hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii degdeg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ciidanku hadda ku hawlan samotabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response