Ciidamada SSC- Khaatumo oo gubay tuulada Buq-dharkayn oo u dhow degmada Oog

by admin | Thursday, Nov 9, 2023 | 80 views

Ciidamada SSSC- Khaatumo ayaa waxay dab qabad siiyeen tuulada Buq-dharkayn oo u dhow degmada Oog, sidoo kalena in ka badan 120km waqooyi Galbeed uga beegan Laascaanood.

Degaankaan ayaa waxaa ka dhacay iska-hor imaan u dhaxeeyay ciidamada SSC- Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ku dhintay in ka badan 5 ruux oo labada dhinac.

Ciidamada SSC- Khaatumo oo ku gacan sareeyay dagaalkan, ayaa gacanta ku dhigay gaadiid iyo maxaabiis ciidan oo uu kamid yahay sarkaal sare oo katirsan ciidamada Somaliland.

Sidoo kale ciidamada SSC- Khaatumo ayaa dab qabad siiyay dhismayaashii kuyaalay tuulada Buq-Dharkayn, iyagoo sheegay in tuulada lagasoo abaabulay colaad dad lagu laayay.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay ciidamada SSC- Khaatumo oo gubaya tuulada, iyagoo sheegay inay ugu aar gudayeen labo nin oo reer miyi ah oo kasoo jeeda Laas-caanood, kuwaas oo ay sheegeen inay dileen ciidamada Somaliland.

Maamulka SSC- Khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu kasoo saaray dhacdadaan, wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay weerar kusoo qaadday dad reer miyi ah oo aan wax lug ah ku lahayn colaadda ka jirta gobolka Sool.

Waxay sheegeen iyagoo ka jawaabaya weerarkaas inay ciidamadooda gacanta kusoo dhigeen ciidamo ay sheegeen inay ka lug leeyihiin dhacdooyinka dadka lagu laayay.

Like it? Share it!

Leave A Response