Madaxweynaha Soomaaliya oo u amba-baxay dalka Sacuudiga.

by admin | Thursday, Nov 9, 2023 | 121 views
Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka duulay magaalada Abu Dhabi ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu halkaasi kaga qeyb galo  shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka furmi doona magaalada Riyaad ee dalkaasi Sacuudiga.

“Madaxweynaha ayaa maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, kadibna uu halkaasi ku galey qaliin yar oo dhanka garabka looga sameeyay, isla markaana uu sii wanaaagsan uga bogsadey qaliinkaasi yar ee caafimaad ee uu marey” ayaa lagu qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta qaranka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in shirka kadib uu madaxweyne Xasan Sheekh si rasmi ah dalka dib ugu soo laaban doono, islamarkaana uu guda gali doono howlahiisa shaqo oo ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

 

Like it? Share it!

Leave A Response