Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhamaan Culimada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. ⓘ Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay culimada Masaajida gacanta ku haysa iney Masaajida ka sheegaan dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxda shabaab...

Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay fulisay ballanqaad ay la gashay dalka Tanzania, ballanqaadkaas oo ahaa in Soomaaliya ay ku garab istaagto inay Tanzania ku guulaysato madaxweynaha baarlamaanka adduunka. ⓘ Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda oo bixiyay wareysi, waxa uu sheegay,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu ku maqnaa dalka Mareykanka. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah Xildhibaannada...

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku dhigtay baroor diiq lagu xasuusanayo dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii dadka badani ku geeriyoodeen ee Soobe 2, kaasoo dhacay 29- kii bishii October ee sanadkii hore. ⓘ Wasiirro iyo boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan kuwii dadkoodii ku waayay qaraxyadaas mataanaha ahaa, ayaa ka qeyb galay baroordiiqdan oo lagu dhigay agagaarka...

Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala dalka Masar ayaa xaqiijiyey inay adeegyada isgaarsiineed gaarsiin doonaan dadka ku nool magaalladda Qasa ee lagu hayo Duqeymaha, lagana jaray Nooc kasta oo isgaarsiinta casriga. Afarta Shirkadood ee ugu weyn shirkadaha bixiya adeega telefoonka iyo internetka ee saldhigoodu yahay dalka Masar ayaa kala ah: Vodafone, Telecom Egypt, Etisalat...

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhowaan sida tooska ah uga billaabanaya Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil la hadashay Mustaqbal Media. Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa diiradda saaray booqashada Degmooyin katirsan...

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya. ⓘ Magacaabistaan ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowlada, waxaana xusid mudan in magacaabista Cali Jeyte...

Waxaa aad loo hadal hayaa mid kamid ah hubka la casriyeeyay ee ay ku dagaalameyso Xamaas kaas oo la sheegay in uu yahay mid fudud oo garbaha laga tuuro isla markaana awoodda u leh in uu duleeliyo Taangiyada ama Gawaarida Qafilan ee aadka u adag. Qoriga Yaasiin ayaa ah Garneelka Garbaha laga tuuro ee RPG ama Baasuukaha Soomaalida ay u taqaan balse ay sii casriyeysan Xamaas...

Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa howlgalo ka sameeyay deegaano hoostaga magaalada Camaara ee gobolka Mudug. ⓘ Howlgalada ayaa la tilmaamay iney ahayeen kuwa lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Camaara iyo deegaanada hoostaga, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda. Saraakiisha waxay...

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €89.5 milyan oo Yuuro ah, oo €20 milyan oo kamid ah loogu talagalay in lagu taageero miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee la meel mariyay. ⓘ “Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Maalgelintan waxaan ugu talo galnay in aan wax kaga qabanno dowlad-dhisidda Soomaaliya, annagoo eegayna mudnaanta siyaasadeed...