Cali Balcad: Soomaaliya waxay fulisay ballanqaad ah inay Tanzania ku guulaysto madaxweynaha baarlamaanka adduunka

by admin | Monday, Oct 30, 2023 | 126 views

Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay fulisay ballanqaad ay la gashay dalka Tanzania, ballanqaadkaas oo ahaa in Soomaaliya ay ku garab istaagto inay Tanzania ku guulaysato madaxweynaha baarlamaanka adduunka.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda oo bixiyay wareysi, waxa uu sheegay, bishii 8-aad ee sanadkan in ay wasaaraddu xiriir lasoo sameysay haweeneyda ah guddoomiyaha baarlamaanka Tanzania, haddana noqotay madaxweynaha baarlamaanka adduunka, taasoo ka codsatay Soomaaliya inay taageeraan.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay marka ay ballanqaadka sameynayeen in aanay jirin cid Soomaaliya ka socotay oo u sharraxnayd doorashada baarlamaanka adduunka. Sidaas ayuu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Tulia Ackson.

“Labo bilood ama bil ka hor ayaa waxaa soo baxday gabar Soomaaliyeed oo rabta in ay u tartanto kursigaas. Annaga waxaan u sheegnay oo aan baarlamaanka u gudbinay, in kursiagas dowlad ahaan aan ka ballanqaadnay inaan codkeena siino dalka Tanzania. Wadamaduna inay ilaaliyaan balanqaadyadooda sumcaddooda ayaa ku jirta,” ayuu yiri wasiir Balcad.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in Soomaaliya markaas ka dib ay Tansania u qortay warqad ay kaga codsanayso in ay Soomaaliya uga taanasulaan kursi aan joogto ahayn oo golaha ammaanka yaala, kaasoo ka dhaxeeya, Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius.

Like it? Share it!

Leave A Response