Raysal wasaare Xamse “Culimada aan ka hadli karin dhibaatada khawaariijta waxan leeyahay u baneeya Masaajidda kuwa ka hadlaya dhibkooda”

by admin | Monday, Oct 30, 2023 | 86 views

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhamaan Culimada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay culimada Masaajida gacanta ku haysa iney Masaajida ka sheegaan dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxda shabaab ama ay fursad siiyaan kuwa ka hadli kara dhibaatada ay geystaan Al-shabaab.

“Culimo badan oo waxaa jirta Masaajidda Dadka uga maxaadareeya, Khudbadeeya oo imam u ah laakiin aan hal kalimo ka sheegeen Khawaariijta, Tolow Sheekhaas waxa uu dadka u sheegayo waa maxay? Qaarkood meelaha kale waxyaabaha ka dhacay ayay aad u buun-buurinayaan, Culimada aan ka hadli karin dhibaatada khawaariijta waxa aan leeyahay u banneeya Masaajidda kuwa ka hadlaya dhibkooda” ayuj yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay raysal wasaaraha inaan la xaqiri karin doorka qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay u istaageen ka hadalka dhibaatooyinka Shabaab geysataan, islamarkaana si buuxda u taageeray howlgallada dowladda iyo dadka deegaanka kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Hadalkaan ayuu Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ka sheegay kulan loogu duceynayay dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe 2 ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Oktoobar sanadkii lasoo dhaafay 2022.

Like it? Share it!

Leave A Response