Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jirtay

by admin | Tuesday, Jun 7, 2022 | 486 views

Ciidanka amniga Xaafada Ceelqalow ee Waaxda Koowaad ee janeral daa’ uud ee dagmada Wadajir ayaa xalay gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah oo dadka ku dhici jiray xaafadaha Ceelqalow iyo Buula xuubey.

Ragga la qabtay oo 5 gaaraya ayaa sida aan wararka ku helnay watay Mooto Bajaaj ay dadka ku dhici jireen, waxaana xilliga la qabanayay ay is rasaaseyn dhexmartay, iyaga iyo Ciidamada Ammaanka degmada Wadajir oo ku raadjoogay.

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Dalxiis) ayaa sheegay in ay jiraan rag kale oo Ciidamada amniga ay ku raadjoogaan, wuxuuna u mahad celiyay Gudoomiyaha dagmada wadajir, taliyaha ciidanka booliska dagmada oo qeyb ka ahaa howlgalka lagu soo qabtay ragga Burcadda ahaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xogta Ragga Burcadda ah ay bixiyeen dadka Shacabka ah ee degan Xaafada Ceelqalow, isaga oo ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan u soo gudbinta kuwa dhibaatada ku haaya

” Aniga oo wakiil ka ah shacabka dagan waaxda kowaad ee dagmada waxaan ka codsan lahaa in ay gacan naga siiyaan xogta burcada dhibaateeya shacabka si aan meel ugu soo wada jeesano cadowga ku howlan dhibaateynta shacabka dagan dagmada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa qaar kamid ah Shacabka kunool degmooyinka qaar ee Muqdisho waxaa ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac u geysanaya.

Like it? Share it!

Leave A Response