Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay Rag weerar geystay

by admin | Wednesday, Nov 17, 2021 | 235 views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa tiro hobiyayaal ah kaga jawaabay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo labo Hoobiye ku tuuray afeefka hore ee Xarada Ciidamada xooga ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Garbahareey ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Booliska Gobolka Gedo Cabduqaadir Cumar Biixi ayaa sheegay in ragga weerarka hoobiyeyaasha ah geystay ay ahaayeen labo, isla markaana ay wateen Mooto, kuwaas oo uu sheegay inay u baxsadeen dhanka Buuraha ee degmada Garbahaareey.

Sidoo kale Taliye Biixi waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen buuralayda miyiga Garbaharey ay ku soo qabqabteen dadka looga shakiyey in ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo baaritaan ay ku hayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan jirin khasaaro ka dhashay hoobiyeyaasha ay Al-Shabaab kusoo tuureen Xerada Ciidamada ee duleedka Magaalada Garbahaareey.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaas oo sugi doona amniga doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response