Ciidanka dowladda oo howlgal ka wada Shabeellaha Dhexe

by admin | Friday, Oct 15, 2021 | 374 views

Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed (Tareedisho) oo kormeer shaqo ku marayay fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka shabeelle dhexe ayaa tagay deegaanka xaaji Cali iyo Degmada Warshiikh ,waxaana uu intii kormeer uu ku jiray uu sarakiisha ciidanka xoogga dalka kula dar daarmay inay xoojiyaan howl-galada lagu baad baadinayo Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinka rabaa idinkoo uturayo shacabka inaad sii labo jibaartaan howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-Shababaab.

Generaal Maxamed Axmed Tadeerisho Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo sidoo kale kormeer ku tagay xeraha deegaanka Qolidhoow oo ay ka howl-galaan ciidamada AMISOM gaar ahaan saktarka 5-aad ee ciidamada Burindi ayaa la qaatay kulan gaar ah oo diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa howl-galada ka dhanka Al-Shabaab, isla markaana loogu xoreyn lahaa deegaannada fara ku turiska oo ay ka joogaan gobolka shabeellaha dhexe.

“Waxaan la qaatay kulan gaar ahaan ciidamada AMISOM si aan usii labo jibaarno howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab waana isla qaadanay.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in dhamaan howl-galadii ka socday gobolka shabeellaha dhexe lagu

Like it? Share it!

Leave A Response