Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho

by admin | Tuesday, Jul 5, 2022 | 460 views

Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, sida Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgalladaan ayaa ka danbeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka, kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, waxaana  uu sheegay in ciidamadu howlgallada ay wadayaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galisa amniga magaalada Muqdisho.

Intii lagu jiray Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baaritaano loogu sameeyo.

Bilihii la soo dhaafay Shacabka kunool badi degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay iyo Ciyaal weero.

Like it? Share it!

Leave A Response