Dad ku dhaawacmay Kulan Muxaadaro ah oo ka socday Muqdisho

by admin | Friday, Jan 11, 2019 | 860 views

3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Kulan Muxaadaro diini ah oo Sheekh Kenyaawi uu ku qabanaayay Hoolka Sahal oo ku yaalla Agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xabado furay ka dib markii uu buuxsamay Hoolka ay ka socotay Kulanka Muxaadaradda ah, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 3 qof sidda ay  u xaqiijiyeen   warbaahinta  goobjoogayaal.

Boqolaal qof ayaa xaadiray kulanka, waxaana sidoo kale banaanka dhooban Boqolaal kale, maadaama goobta ay tahay mid aan qaadin.

Like it? Share it!

Leave A Response