Dad ku dhintay daadad ku rogmaday Xaafado katirsan Magaalada Qardho

by admin | Sunday, Oct 23, 2022 | 375 views

Daad xoogan ayaa kusoo rogmaday Xaafado katirsan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ee Puntland, kadib markii Roobab xoogan ay xalay iyo shalay galabtii ka da’deen degaano ku teedhsan Magaalada Qardho.

Biyo aad u farabadan ayaa galay Badi Guryaha dadka ay degan yihiin ee  kuyaalla Magaalada Qardho iyo Goobaha Ganacsiga, waxaana la sheegay in ilaa iyo hadda laba Ruux ay ku geeriyoodeen.

Sidoo kale dad badan ayaa ku go’doonsan waddooyinka iyo xaafadaha qaar ee Magaalada Qardho, iyagoo halis ugu jira inay biyuhu qaataan, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Gudoomiyaha Gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar ayaa sheegay in gudaha xaafadaha qaar ee la gali waayay saacidihii hore, balse haatan weli lagu howlan yahay sidii dadka loo soo badbaadi lahaa, isla markaana khasaaraha ka dhashay daadadka ay dib ka faah faahin doonaan.

Magaalada Qardho ayaa labo sano ka hor sidaan oo kale ay daadad ugu soo rogmadeen, waxaayna geysteen khasaare ballaaran oo isugu jira dhimashada dad shacab ah iyo burbur hantiyeed, sida guryo dumay iyo xarumo ganacsi oo biyuhu qaateen.

Gurmad adag ayaa lagu bixiyay ka jawaabidda musiibadii xilligaas, iyadoo dowladda federalka kaligeed ay bixisay lacag dhan hal milyan oo dollar, balse lacag lagu qiyaasay dhowr milyan oo dollar oo loogu talo galay dadka daadadku saameeyeen iyo kasii tabaabushaysiga daad dambe oo yimaada, aan la ogayn  halka uu ku dambeeyay dhaqaalahaas.

Like it? Share it!

Leave A Response