Dad Shacab Ah Oo Lagu Rasaaseeyey gobolka hiiraan

by admin | Thursday, Apr 19, 2018 | 961 views

Mid  ka mid ah  dadka  ku nool gobolka hiiran   ayaa sheegay in koox hubeysan ay rasaaseeyeen Gaari Homey oo ay saarnaayeen dad shacab ah.
waxaa uu   sheegay in dadka lagu rasaaseeyay duleedka magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxa uuna ka baxay Gaarigaasi magaalada Muqdisho.
Rasaasta ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Canug yar oo ay dhashay waxaana dadkaasi la dhigay Isbitaalka magaalada Beladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan.
Falkaan ayaa waxaa geestay Koox maleeshiyo ah oo hubeysan waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen weerarka kadib.
Maamulka gobalka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Kooxdii falkaas fulisay.

gobolka hiiraan ayaa hada  ku jiro xaalad jahawareer ah ka dib markii  is badalo lagu sameeyay  maamulka gobolka hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response