Dadka kunool Magaalada caasimada Puntland oo Amaro lagu soo rogay

by admin | Tuesday, Mar 9, 2021 | 381 views

Ciidanka booliska maamulka Puntland ayaa soo rogay amaro la doonaayo in lagi xaqiijiyo Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Booliska Garowe waxa ay sheegeen in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa.

Axmed Maxamuud Cali, islamarkaana ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo caasimadda Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo in uu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.
Taliyaha ayaa xusay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.
Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa Ammaanka guud ee caasimadda Garoowe oo lagu tiriyo magaalooyinka ugu Amniga fiican Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response