Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & Faah faahin laga helayo

by admin | Sunday, Feb 20, 2022 | 388 views

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Jubbaland degaanka Baarka ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana dagaalka ay ku dhaawacmeen laba kamid ah askarta Jubbaland, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Xaaladda degaanka Baarka ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa degan, waxaana degaankaas uu kamid yahay goobaha laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response