Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo

by admin | Sunday, Sep 26, 2021 | 233 views

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM oo dhinac ah & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ku leeyihiin duleedka degmada Buulo-Burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah Dadka degmada Buulo-Burde ee Gobolka HiiranĀ  ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, waxaana dagaalkan uu kusoo aadayaa xilli todobaadkii hore Al-Shabaab ay qaraxyo ku burburiyeen dhismaha qyeb kamid ah Garoonka diyaaradaha.

Like it? Share it!

Leave A Response