Dagaal laba beelood ku dhexmaray gobolka Togdheer ee Somaliland

by admin | Friday, Jul 14, 2023 | 152 views

Hal qof ayaa ku dhintay 3 kalena way ku dhaawacmeen dagaal Khamiistii laba beelood ku dhexmaray deegaanka Dhaalmaygaag ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Dhaalmaygaag oo u dhexeeya degmooyinka Horufadhi iyo Qorulugud, ayaa qarxay kadib markii mid kamid ah beelaha deegaanku ay dooneen in ay qotaan barkad kadibna ay beel kale kasoo horjeedsatay.

Gabadh kamid ah dadka deegaanka ayaa  u sheegtay HOL in hal qof uu ku dhintay dagaalka isla markaana ay 3 qof oo kale ku dhaawacmeen, dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa ahaa rag labada beelood kasoo kala jeeda oo isku gacan qaaday kadib khilaafka ka dhashay qodista barkada.

Xiisada ayaa wali kacsan sida ay sheegeen dadka deegaanku, isla markaana labada dhinac ayaa wali isku hor fadhiya deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalada ka dhasha muranka dhulka, daaqa iyo biyaha ayaa kusoo noqnoqda deegaanada Somaliland gaar ahaan gobolada bariga, waxaana dhawaan uun la xaliyay dagaal beeleed kale oo isla Togdheer ku dhexmaray labada beelood.

Like it? Share it!

Leave A Response