Dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Friday, Nov 2, 2018 | 846 views

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa booliska ay ku leeyihiin aagga Shaleemo Cabdi Waayeel ee degmada Hilliwaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in wax ku dhaw 20 daqiiqo uu socday iska horimaadkan, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan, Dagaalka ayaa ku bilowday bambaano lagu tuuray Ciidanka, waxaana xiga dagaal fool ka fool ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan booliska Somaliya oo gurmad ahaan ugu socday ciidanka weerarka lagu soo qaaday ayaa iyana miino lagula eegtay meel ku dhaw goobta uu weerarka ka dhacay.

Waxaa la sheegay in qaraxaasi miinada ah ay ku dhaawacmay Taliyaha degmada Hiliwaa Khaliif Shiine, Sidoo kale waxaa geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa kuwaasi oo la socday gaari Cabdi Bille ah.

Mid ka mid ah ilaalada Taliyaha ee weerarka lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jibriil Axmed Shaarib.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ay wadaan baaritaan ay ku raadinayaan raggii weerarka soo qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response