Dal lix kun oo qof lagu dilay saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkaan

by admin | Saturday, Jun 4, 2022 | 422 views

Wasiirka Boliiska ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in uu si weyn kor ugu kacay tirada dilalka iyo dambiyada kale ee ka dhaca dalka Koofur Afria.

Bheki Cele aya sheegay saddexdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan ay u ahaayeen dad badan oo reer koofur Afrika ah bilo qalalaase, xun oo aan ammaan aheyn.

Waxaa uu sheegay in in ka baan 6 kun oo qof la dilay -taas oo kor u kaca ka dhigeysa 20% marka loo eego saddexdii bilood ee ugu horreyay sanadkii hore .

Afduubka ayaa aad u kordhay oo gaaray lao laaab in ka 3kun oo afduub.

Waxaa kale oo jiray in ka badan 10 kun oo kufsi intii u dhaxaysay bishii Jnnaayo iyo Maarso ee sanadkan

Mr Cele ayaa tiradaas ku tilmaamay mid laga argagaxo wuxuuna ballanqaday in uu xididada u saaro saraakiisha musuqmaasuqa ku shaqeysata isla markaana si wanaagsan loo hubeeyo boliiska .

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka iyo boliiska ay la dagaalamaan dambiileyaasha

Like it? Share it!

Leave A Response