DEG DEG:- Dagaal xoogan oo ka socda duleedka Laas-Caanood

by admin | Friday, Feb 17, 2023 | 259 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka billaawday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dhawaqa Hubka culculus iyo hugunka rasaasta Noocyadeeda kala duwan hadda laga Maqlayaa furimaha dagaalka ee duleedka Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale madaafiic ayaa ku dhaceysa meelo kamid ah magaalada Laas-Caanood, waxaana madaafiicda ay ku dhaceen Guryo iyo Goobo Ganacsi oo dadkii deganaa ay barakaceen.

Dagaalka ka socda duleedka magaalada Laas-Caanood ayaa galay todobaadkii labaad , wuxuuna kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku baaqay in deg deg lagu joojiyo dagaalka, sidoo kalena Somaliland uu uu baaqay inay Ciidamada ka dulqaado Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response