DEG DEG: Kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah ee Somalia oo laga helay Muqdisho

by admin | Monday, Mar 16, 2020 | 813 views

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah laga helay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska.

Wasiirka ma aysan shaacin dalka uu ka yimid qofkaas, hase yeeshee dadka lagu karantiilayey Muqdisho oo saddex qof ahaa ayaa horey loo sheegay inay ka yimaadeen dalka Shiinaha

Wasiirka ayaa shaaca ka qaadday in qofkan uu hadda wanaagsan yahay, islamarkaana uusan wax halis ah ku hayn muwaadiniinta kale, oo lagu hayo meel aysan dad kale u dhoweyn.

Like it? Share it!

Leave A Response