DEG DEG: Madaafiic lagu garaacay xarunta Xalane

by admin | Tuesday, Mar 9, 2021 | 400 views

Sidda ay xaqiijiyeen warbaahinta dad goobjoogayaal tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn Ciidanka AMISOM iyo xubnaha beesha Caalamka.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan Agagaarka xarunta Xalane ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka Madaafiic oo laga tuuray degmooyin ka mid ah Muqdisho.

Ku dhawaad Shan hoobiye ayaa ku dhacday xarunta Xalane .

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xilli teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu waddo in lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa ah mid ay soo qabanqaabisay beesha Caalamka ka dib markii ay ku fashilantay dowladda dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response