Deg deg qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay kismayo.

by admin | Sunday, Oct 23, 2022 | 234 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee obolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha magaalada Kismaayo uu halkaasi ka dhacay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu yahay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo lagu weeraray Hotel lagu magacaabo Tawakal oo kuyaalla magaalada Kismaayo.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galen hotelka, halkaas oo laga maqlayo rasaas xoogan oo ka dhex dhaceysa Gudaha Hotelka oo dad mas’uuliyiin ah ay degan yihiin.

Ciidamo farabadan oo katrsan kuwa Maamulka Jubbaand ayaa la dhigay dhammaan waddooyinka soo gala Hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo, waxaana la soo werinayaa inay jiraan khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay weerarka.

Like it? Share it!

Leave A Response