Dekedda Garacad oo maanta si rasmi ah xariga looga jaray

by admin | Saturday, Oct 22, 2022 | 319 views

Waxa maanta xariga laga jaray dekadda Garacad halkaas oo ku sugnaayeen ku masuuliyiin, ganacsato iyo dad rayid ahiba kuwaas oo doonaya in ay goob joog ka ahaa mashruucaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee dhawaanahan laga hirgeliyo dawlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxay si rasmi ah maanta xariga uga jareen dekedda Garacad.

Mas’uuliyiin ka socotay gobolka ayaa ku sugnaa xafladda, waxaana kamid ah madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar iyo wasiirka magacaaban ee gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Like it? Share it!

Leave A Response