Derbi kusoo dumay dad Barakacayaal ah oo sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah

by admin | Tuesday, Jul 14, 2020 | 405 views

Wararka naga soo gaaraya Agagaarka Xerada Maslax ee degaanka Garasbaaley ee  Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay ka dib markii Derbi uu kusoo dumay dad barakacayaal ah.

Dadka Barakacayaasha ayaa derbiga la sheegay in ay kaga jireen roobka, waxaana geeriyooday Afar Carruur ah.

Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray qof kale oo ka mid ah Carruurta la sheegay in ay derbiga hoos fadhiyeen.

Qaar ka mid ah dadka Barakacayaasha ayaa Risaala u sheegay in qaar ka mid ah Caruurta Khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ah uu soo gaaray ay isku qoys yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response